Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale ka doodaya wax ka bedselka sharciga doorashooyinka Qaranka

Muqdisho:-Mudanayaasha Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sii wadaya ka dooddista wax ka bedselka sharciga doorashooyinka Qaranka, kaas oo maalintii Arbacada ee la soo dhaafay ka doodistiisu ay bilaabatay.

Sharcigaan ayaa waxa ay ka soo saareen guddiga loo xilsaaray soo diyaarintiisa qodobo dhowr ah kuwaas oo dhaliyay hadal heyn badan.

Dhanka kale markii ay soo dhamaato doodda ay sharcigan ka leeyihiin xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka dalka, waxaa la go’aamin doonaa nuuca doorasho ee ka dhici dalka sanadka 2020/2021.