Ardey Sacuudiga u dhashay oo weeraray xerada ciidamada Mareykanka.

Boqorka Sacuudiga ayaa dhalleeceeyay weerar hubeysan oo ka dhacay xarun ay ciidamada Mareykanku leeyihiin.

Weerarka uu ardeyga u dhashay Sacuudiga ka dambeeyay wuxuu boqor Salmaan ku tilmaamay “mid wuxuushnimo ah”, sida madaxweyne Trump laga soo xigtay.

Wuxuu Trump bartiisa Twitter-ka ku qoray in boqorka uu telefoonka ka wacay si uu “si daacadnimo ah uga tacsiyeeyo”.

Ardeyga u dhashay Sacuudiga oo baranayay duullimaadyada ciidamada Cirka wuxuu dilay seddax qof, wuxuuna dhaawacay siddeed qof oo kale, ka dib ayaana isagii la toogtay.

Maayarka gobolka uu saldhigga ku yaallo ee Florida, Ron DeSantis wuxuu sheegay in dowladda Sacuudiga ay “hadda magdhow ka doonayaan qoysaska dhibbanayaasha”.

Ardeyga weerarka qaaday waxay warbaahinta Mareykanka ku magacaabeen Maxamed Saciid Alshamrani. Wuxuuna weerarka u adeegsaday bastoolad.

FBI-da weli ma aysan shaacin sababta weerarka ku kalliftay ardeyga, balse waxay barayaan in xiriir argagixisa uu jiro.

“Waxa jiro warar badan oo la isla dhexmarayo, balse FBI waxay eegtaa xaqiiqooyiinka oo keli ah,” ayuu sheegay sargaalka gaarka ah Rachel Rojas oo shir jaraa’id qabtay xalay.

Sucuudi Carabiya waa xulafo muhiim u ah Mareykanka ee Barig Dhexe, waxaa in mudda ah labada dal ka dhexeeyay is dhaafsiga barnaamijyada militariga.

Toogashadanna waxay su’aal gelisay baaritaanka lagu sameeyo saraakiisha militari ee dibadda ka taga ee lagu tababaro xeryaha ciidamada Mareykanka.

Waa weerarkii labaad ee isbuucan ka dhaca saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Bad-maaxe u dhashay Mareykanka ayaa dilay laba qof oo militari ahayd oo ay isla shaqeynayeen. Wuxuu weerarkaa Arbacadii ka dhacay saldhigga ciidan ee Hawaii.

Maxay Boqortooyada Sacuudiga sheegtay?

“Boqor Salmaan ka Sacuudiga wuu isoo wacay si uu u muujiyo sida uu uga xun yahay wixii dhacay ugana tacsiyeeyo, uuna tageero ugu muujiyo qoysaska iyo saaxiibbada dadka lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka,” ayuu madaxweyne Trump ku qoray Twitter-kiisa.

“Boqorka wuxuu sheegay in shacabka Sacuudiga ay aad uga xanaaqeen weerarka wuxuushnimada ah, iyo in qofkaas uusan matalin kana turjumeynin dareenka shacabka Sacuudiga ee jecel dadka Mareykanka.”

Warbixin kale oo ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga waxaa weerarkaas ay ku tilmamtay “mid argagax leh”, waxayna sheegtay in taageero buuxda ay siin doonto baaritanka.

Madaxweyne Trump wuxuu xiriir dhow oo joogto ah la yeeshay Sacuudiga in kastoo uu jiray dilkii ay dalal badan cambaareeyeen ee loo geystay saxafigii caanka ahaa ee u dhashay Sacuudiga Jamal Khashoggi, kaas oo warbixinno ku qori jiray wargeyska Washington Post. Waxaa lagu dilay Qunsuliyaddii Sacuudiga ee Turkiga, bishii October 2018-kii.

Sidee weerarka Pensacola lagu ogaday?

Maamulka waxaa lagu soo wargeliyay weerar ka dhex socda fasalka saldhig ku yaalla Koonfurta Galbeed ee Pensacola, aroortii Jimcihii.

The main gate at Naval Air Station Pensacola, Florida. File photo

Weerarka ayaa la soo afjaray ka dib markii ku xigeenka salkaalka ciidanka uu toogtay ardeyga weerarka ka dambeeyay. Laba askeri oo lugta xabad ay kaga dhacday ayaa la filayaa in si degdeg ah ay u soo kabsadaan.

“In aan ku sii dhowaado goobta weerarka waxay la mid ahayd filim dagaal,” ayuu yiri David Morgan.

Sida lagu qoray bogga saldhiggaas, waxaa goobta ku sugan 16,000 oo askar oo militari ah iyo 7,400 oo ciidan rayid ah.

Muxuu ahaa ardeyga weerarka qaaday?

Maxamed Saciid Alshamrani wuxuu ahaa Sarkaalka labaad ee ciidamada cirka Sacuudiga ee saldhiggaas ku tababaranayay. Waxaa jiro warar sheegaya in weerarka ka hor uu online-ka ku qoray farriin, balse taa weli lama caddeyn.

Dhowr qof oo u dhashay Sacuudiga ayaa laga qabtay meel u dhow goobta weerarka, waana la xiray, sida ay qortay New York Times oo soo xigatay ilo-wareedyo aan la magacaabin.

Sida ay sheegeen ciidamada badda ee Mareykanka, isbuucyadii la soo dhaafay waxaa xaruntas lagu tababaray 18 askeri oo ka tirsan ciidamada Sacuudiga iyo laba Bad-maax oo isla dalkaas u dhashay.

Baaritaan ayaa socdo, madacyada dhibbanayaashana lama shaacin doono illaa qoysaskooda laga wargeliyo, sida warbixinta ciidamada lagu xusay.

Xigasho:BBCSomali