Nin Baddiisii si dhab ah loola sheegtay ayaa yiri: Hadey sheegashadu ciyaar ciyaar ahaan leheyd waxbaa ka dhici lahaa=Nasashada Jimcaha.Q-177=

1-Nin police ah ayaa Laba Nin oo sakhraansan oo dhac dhacaya, waxa uu ku yiri: waryaada miyaadan ogeeynina in khamrigu mamnuuc yahay. Maxaad u cabteen?. Mid ayaa isaga oo hadalka gaf gaya ku yiri: maa, maa cab cabsanin. Asgarigii ayaa ku yiri: Hadaadan cabinina maxaa indhihiina guduud ka wada dhigay, kii kale ayaa yiri: ilma adeer ayaan nahay, DNA deena ayaa isku mid ah. ( F.S: 1aad)

( Madaxda Somalida Badanaa maxaa ku wada khasbay iny Ethiopia awood u raadsadaan. Ma DNA…..)

2-Nin Doqon ah ayaa Doqon kale Dharbaaxo ku dhuftay. Kii la dharbaaxay ayaa yiri: War gacan ku xoog badanidaa oo Xanuun badanaa!!!, Dharbaaxadu ma dhab ayeey kaa aheyd, mise waad ila fara ciyaareysay?. Kii wax dharbaaxay ayaa yiri: Maya, dhab ayeey iga aheeyd. Kii la dharbaaxay ayaa yiri: Sidaas iga dheh. Annigu fara ciyaarka ayaan necebahay.( F.S: 2aad)

( Nin Baddiisii si dhab ah loola sheegtay ayaa yiri: Hadey sheegashadu ciyaar ciyaar ahaan leheyd waxbaa ka dhici lahaa).

3- Saddax Nin oo Marqaan ah ayaa wada sheekeysanayay. Mid ayaa yiri: Haddaan Lacag lahaan lahaa, Dunida Bar ayaan iibsan lahaa. Kii kale ayaa yiri: Aniguna Barka kale ayaan Iibsan lahaa. Kii Seddexaad ayaa yiri: Walaahi Labadiinuba waad waalantihiin, yaa idiin sheegay in aan Dunida iska iibinayo, been ayaa la idiin sheegay.

( Siyaasi ayaa yiri: Hadaan Lacag ku helayo Dekedaha Dalka Labo ayaan iibsan lahaa. Kii kale ayaa yiri: Haddaan Xilku helayo Anniguna Lix ayaan iibsan lahaa. Mid kale ayaa yiri: Haddaad Dekedaha iibsataan Aniguna Badda maan iibsado –F.S: 3aad)

4- Nin Sakhraan ah ayaa Saaxiibkii ku yiri: Saaxiiboow haddii aad Seexatid, oo Subaxdii Markaad soo toostid, aad is aragtid Adiga oo Meyd ah, maxaad sameyn leheeyd?. Kii kale oo Qoslaayo ayaa yiri: yaah, yaah. Malaha waanba waalan lahaa.

( Nin shacab ah ayaa lagu yiri: Haddii aad aragto Wadankii oo meel kasta cadaw ka soo galay,oo la wada qabsanayo, Mdaxduna raali ka wada tahay. Baarlamaankiina ka aamusay , maxaad sameeyn laheey?. Waxa uu yiri: Walaahi markaa ayaan si dhab ah u fikiri lahaa….. hadda muu fikiro)

5-Nin ayaa Xaaskiisa isaga oo careysan ku yiri: Dabaal ayaan ahaa markaan ku guursanayay Adiga. Waxa ey ku tiri: Waa runtaa, in aad aheyd, laakin Annigu kuma ogaan markaa oo Jaceeyl ayaa i hayay.

( Nabaddoon ayaa Xildhibaan ku yiri: Annigu waan waalnaa markaan Adiga Tolka Xildhibaan kaaga dhigayay. Xildhibaankii ayaa ku yiri: Waa runtaa, inaad waalneed, Laakin Annigu ma ogeeyn, waxaan u maleeynayay in aad Lacag rabto oo kaliya)

6- Nin ayaa farmashiyihiisii waxa uu uga tagay Xaaskiisii, waxa uu ugu yimid Nin farmashiyaha hortiisa fadhiyo oo aan dhaqaaqeyn. Waxa uu ku yiri: Ninkaasi muxuu ahaa? waxa ey ku tiri: Waxa uu i weeydiistay Daawada Qunfaca, mana taal farmashiyaha, marka waxaan siiyay tan Saxarada Jilciso. Dhakhtarkii ayaa yiri: Ma waalatay, ma Daawada Caloosha ayaad Qunfac u siisay? Waxa ey tiri: Waa kaa hadda ku bogsaday, waxa uu ka cabsanayaa in uu qunfaco…… hadduu qunfaco, dhinaca kale ayaa furmayo oo Qunfacayo, hadda ma Qunfici karyo mana dhaqaaqi karo, calooshaa qasan, waxa uuna ka xishoonaa in uu Labada dhinac ka Qunfaco .

( Waa maxaay Daawada la siiyay Baarlamaanka oo eynan u hadli harin,Daawadee la siiyay, yeyna Qunfac Laba dhinclaa oo Baas ah nagu soo gamin. Ha u maleeyn in ey hadliyaan ee Adigu wax faham, ha noqon sida Dhagoolkii. “Dhagoolku haduu arko qof halaaqoonayo ama hamaansanayo, waxa uu u maleeyaa in uu Qofkaasi qeylinaayo”).

Qore: Yahya Amir