Maamulka Puntland oo u hanjabay odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dhowr jeer Bulshada ku nool Gobolka Bari ay kala arrinsadeen in aan khalqal la gelin Amniga ka jira gobalkaasi hayeeshee ay jiraan dad yar oo ka biya diidsan.

Guddoomiye cabdisalaam ayaa sheegay inay jiraan dad diidan horumarka iyo Amniga Gobolka Bari,kuwaas oo meelo kale looga taliyo sida uu hadalka u dhigay sidaa darteedna aysan aqabali doonin in amniga khal khal la geliyo.

Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa in sharciga ay horkeeni doonaan ciddii isku dayda in amniga gobalka bari falal ka dhan ah sameysa.

Arrintaan ayaa imaanaya xili magaalada boosaaso ee gobalka bari maalmo ka hor lagu xeray odayaal dhaqan, kuwaasi oo la sheegay in ay wax ka sheegeen madaxda sare ee puntland, kaddib khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac.