Dowladda Soomaaliya oo gaashaanka u daruurtay eedo uu shalay u jeediyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dowladda Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay eedo uu shalay u jeediyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku andacooday inay iyaga soo abaabuleen hadal uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdi Xayir Maareeye ayaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uga jawaabay eedaha uu u jeediyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo waraysi uu BBC-da siiyay shalay siiyay ku eedeeyay dawladda inay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ku jira kala shaqaysay inuu hanjabaad dil ah u soo diro isaga.

Wasiir Maareeye waxa uu u waramay weriyahayaga magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan.