Dibadbax lagu taageerayo Ahlu-Sunna Wal-Jameeca oo ka dhacay magaalada Guriceel

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta magaalada Guriceel ay ka dhaceen banaanbax nabadeed.

Banaanbax oo dhacay maanta salaadii Jimcaha ka dib, ayaa waxaa ka soo qayb galay bulshada reer Guriceel qaybaheeda kala duwan iyo culimo, waxaana u jeedkiisa u ahaa mid ay taageero ugu muujinayeen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo mawqifkooda siyaasadeed ee arrimaha Galmudug.

Qaar ka ah culimadii ka qayb gashay bananabaxaasi nabadeed ayaa waxa ay baaq u direen dawladda Soomaaliya, iyaqgoo ka dalbaday la ilaaliyo wadajirka iyo nabadda Galmudug.

Waxa ay sidoo kale dawladda Soomaaliya ugu baaqeen ay fuliso balamihii iyo heshiisyadii ay la gashay hoggaanka Ahlu-Sunna .