War Deg Deg ah: Dagaal Maleeshiyo Beeleed ku dhaxmaraya gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed uu ka soconayo duleedka magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadka uu dagaalka ka dhexeeya ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan Puntland iyo Galmudug, waxaa la soo warinayaa inuu khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Afbarwaaaqo ee gobalka Mudug, waxaana wararku sheegayaan in ay qeyb ka yihiin dagaalkan gaadiidka dagaalka ee labada maleeshiyo beeleed.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay, kuwaasi oo kamid ah dhinacyada dagaalamaya,halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee Gobolka Mudug Liibaan Cajiib Xaaji.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la soo warinayaa in loo qaaday dhanka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Maleeshiyaadkan ayaa isku haya dhul daaqsimeedka ku yaala deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug.