Siyaasiga Cabdi Raxmaan C/Shakuur oo eedeeyn u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xarunta xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa lagu cambaareeyey hadalkii kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys oo uu eedeyn ugu jeediyey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Qoraalka xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fursad u siisaye Rag ka tirsan Al-Shabaab inay baneystaan dilka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.