Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Ajandayaal ay kid tahay akhrinta 3-aad ee Sharciga Canshuuraha Furdooyinka.

Dhamaan Senatarada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu war geliyey inuu Arbacada maanta jiro kulankii guud ee golaha.

Ajendaha kulanka maanta ee golaha Aqalka Sare ayaa ah akhrinta 3-aad ee Sharciga Canshuuraha Furdooyinka.

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay ansixiyeen sharciyo dhawr ah oo la hor geeyay, waxaana ugu dambeeyay wax kagabadalka hindise sharciyeedka iibka iyo qandaraaslayaasha Qaranka oo ay shalay ansixiyeen.