Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo casho sharaf u sameeyey Diblomaasiin dalka yimid

Muqdisho:- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb Axmed Ciise Cawad ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin dalka u timid in ay tababarro siyaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Casho sharftaan uu Amb Axmed Ciise Cawad u sameeyay Diblomaasiyiin iyo khubarro ka socota dalka Sweden, islamarkaana Soomaaliya u yimid in ay tababaro dheeraad ah siiyaan diblomaasiyiinta Soomaalida ah, ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaano, Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Safiiradda beesha caalamka u jooga dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay arrintani tusaale fiican u tahay hormaradda Wasaaraddu ay ka gaartay dhinaca diblomaasiyadda.

“Waxaa halkan noogu yimid wafdi heer sare ah waxaa ku jira Safiiro mar dalkaan loosoo magacaabay runtii aad ayaan u soo dhaweyneynaa diblomaasiyiinta noo yimid” ayuu jiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.