Sheekh Soomow ”Cabdi Shakuur Waa dinbaawyey ee ha towbokeeno….”


Waxaa Baraha bulshada ka bilaawday dagaal dhinaca diinta ah oo u dhaxeeya Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo Wadaadka Sheekh Cabduqaadir Soomoow oo kamid ah Culimada Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa yimid,kadib markii Siyaasiga Cabdraxmaan Cabdi Shakuur uu goob fagaaro ah oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka uu u gefay Xadiis ka sugnaaday Nabiga SCW oo uu ku sheegay mid faasid ah.

Sheekh Soomow oo ka jawaabayey hadalka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegay in Xadiiska uu yahay mid sax ah oo ay werioyeen Imaamyada Bukhaari iyo Muslim.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Xadiiska sheegay in Haweenka caqli ahaan iyo Diin ahaan inay ay nusqaan yihiin uu yahay mid sax ah qofkii beeniyana uu lamid yahay in uu beeniyey dhamaan Xadiisyada kazoo arooray Nabiga NNKH.

Ugu dambeyn  Sheekh Soomow ayaa ugu baaqay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo dadkii u sacbiyey eek u sugnaa munaasabada hadalka uu ka jeediyey ee dalka Jarmalka inay dhamaantood tooban keenaan.

Si kastaba dagaalka ka dhex qarxay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo sheikh soomow ayaa waxaa laga dareemay Maanta Baraha ay Bulshada isticmaasho.