Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Weerar Xoogan ku Qaaday Saldhigyadda ay leeyihiin Ciidamadda Kenya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Kenya iyo kuwa Shabaab oo ka dhacay saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.

Dagaaalka ayaa ka dhacay degmada Qooqaani ee Gobolka Jubba-dda Hoose.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ay ciidanka Kenya iyo Kuwa Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Qoqaani.

Labadda dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay degmada Qooqaani ee gobolka Jubadda Hoose.

Dhanka kale Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya wali wax war ah kama soo saarin dagaalka.