Madaxweyne Waare oo La Kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya+Sawirro

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay maanta magaalada Jowhar ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Jowhar.

Kulankani ayaa loogaga hadlay dadargalinta iyo ka faaideysiga mashaariicyada horumarineed ee UNka, waxaana sidoo kale wafdiga Qeyb ka ahaa Wakiilka Midowga Africa Ee Soomaaliya Ambasadoor Francisco Madeira.