Kulan looga hadlaayay Doorka Haweenka ee Doorashooyinka iyo Amniga oo lagu Qabtay Deg.Kaaraan+Sawirro

Kullan looga hadlayay doorka Haweenka ay ka qaadan karaan Amniga, Siyaasadda iyo Doorashooyinka ka dhici doona Dalka 2021 ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo loo qabtay ururka Haweenka degmada Karaan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb gashay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo wacyi gelinta maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir.Jawaahir Baarqab iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa haweenka ku boorisay inay dar dargeliyaan doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka.

Guddoomiye Basma ayaa kula dardaarantay Haweenka Degmada Karaan in ay ka shaqeyaan amiga deegaanka iyo Nadafadda, isla markaana ay muujiyaan kaalinta ay ku leeyihiin arrimaha doorooyinka iyo amniga.