Guddoomiyihii Degmada Awdheegle oo goor dhaw Qarax Miino lagu dilay

Awdheegle:-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku waramaya in goor dhaw qarax lagu dilay guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Allaha u naxariistee Maxamed Yarow oo ahaa guddoomiyihii degmada Awdheegle ayaa waxaa geeridiisa warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax.

Dhanka kale Qaraxa lagu dilay Guddoomiye Maxamed Yarow ayaa lagu sheegay inuu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso, kaas oo lagula beegsaday gudaha degmada Awdheegle.