Ciidamada NISA oo soo Bandhigay Ruux Doonayay in Weerar Ka Geysto gudaha Magaalada Muqdisho

Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ruux ay sheegeen in uu ka Tirsanaa Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninka lasoo qabtay uu doonayay in weerar Bambo gacmeed uu ka geysto Magaaladda Muqdisho,balse ay qabteen ciidamadda amaanka.

“Ciidamada Amniga, ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh.”.ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda NISA ma aysan shaacinin Magaca Shaqsiga lasoo qabtay.