Libaax ha ka Caqli yaraan!!!.

Libaaxu , markuu ogaaday in uunan Xaaskiisa, Xoog wax uga qaadi Karin ayuu bixiyay Taladaan.

1- Caruurtaada la ciyaar ama Cidleey oo Reerka dumi Caruurtaada Daanyeer haku ciyaaree ( F.S: 1, 2 & 3aad)

2- Haddii xaajadu xumaato, Xaaskaaga isku jilci , ( F.S: 4, 5 & 6aad)

3- Haddaad Xoog Ku daydo Ogoow lagaama Cijiya yaro. ( F.S: 7aad)

4- Ha isku caayin, lagaa caay badan ,ha ceeboobin oo AF Qamash yaan lagu dhihin. ( F.S: 8aad)

5- Haddaad Aroosto Afar Xaas, Ogoow Adigaa u hooseeyo Qooyska( F.S: ( 9aad)

6- Xataa haddaad 2 Aroosto, sharcigaa kuu ogol, laakin Ogoow weli Qooyska Adigaa u hooseeyo, Haddad Collaad hurisana waa laguugu goobanayaa oo dhinacna kuuma fiyaabo ( F.S: 10 & 11aad)

7- iska jir Kalinimadana, sidii Iskaabolo, Qolka haka dhax qeeylin, Adoo Isla ciyaaraya kaligaa Cirbahaaga kor ha u taagin, Cowradaadana ha farteeyn.( F.S. 12, 13 & 14 aad)

8- Maxaa kuu diiday in aad Reerkaaga Naxariis iyo Nimco kula nagaato.( F.S: 15, 16, 17 & 18aad).

Waa Talo Libaax, Raali ahaaw Reerkaaga dhaqo. Waana marka lagu dhihi karo ” Libaax Labo maahan”.

Haweenka yaan la xumeeyn, Xoogna lagu dayin, Diinta iyo Dadnimadaba Ku ma fiicno. Libaaxaa Xoog wax Ku qaadi waayay ee Xiriirka wanaaji.

Qore: Yahya Amir