Golaha Aqalka sare oo ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyaalay Golahaasi.

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyiillay golahasi.

Kulankaan oo ahaa kii 20-aad ee Kalfadhiga 6aad waxaa shir Guddomiyay Guddomye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .

,Golaha Aqalka sare BFS ayaa ansixiyey wax-ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka ka,kaas oo ay u odeeyeen ama ay ogolaadeen 30 senatar.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha golahaasi u so gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi.