WARBIXIN: Maxay qabatay Dowladda xilligeedu gabaabsiga yahay ee Madaxweyne Farmaajo, maxayse ka gaabisay?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee muddo xileedkeeda gabaabsiga yahay una harsan tahay sanad iyo bisha maanta bilowga ah kaddib markii uu ku guuleystay doorashada Baarlamaanka federaalka 17-kii bishii Febraayo sanadkii 2017-dii waxay soo martay marxalado kala duwan oo isugu jira ammaan iyo dhaliil.

Inta aan u gelin waxqabadka mudadii saddexda sano ahayd ee ay majaraha u heysay talada dalka Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre ay bog cusub u fureen aragtiyihii shacabka Soomaaliyeed ka heysteen siyaasiyiinta iyo madaxda horay xilal uga soo qabtay dalka.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay ku dhaqaaqday Dowladda dhexe ee federaalka ayaa waxaa ka mid ah: isbedel ay ku sameeyeen qaabka loo xalin jiray khilaafyada dhex mara madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada dalka, iyagoona gebi ahaanba meesha ka saaray faragelinta shisheeyaha ku lahaayeen wadahadalada iyo dhexdhexaadinta Soomaalida.

Dhinacyada fikrad ahaan kahor jeeda tallaabooyinka xukuumadda dhexe ayaa ku eedeeya in hoggaanka sare ay is bidayaan awood aanay lahayn, iyagoona tilmaamaya muhiimadda beesha caalamka u leedahay taageerada kala duwan ee ay Soomaaliya siiyaan, sidaasi daraadeedna aan looga maarmin inay ka qeyb qaataan dadaalada lagu xasilinayo xasaradaha siyaasadeed ee madaxda Soomaalida dhexdooda ka dhaca.

Kooxaha mucaaradka ku ah dowladda madaxweyne Farmaajo oo ay ugu tun weyn yihiin madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sare u qaaday dhaqdhaqaaqyada ay uga soo horjeedaan dowladda Federaalka gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii ay ku dhawaaqeen Madasha xisbiyada dalka oo Guddoomiye loogu doortay Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee ka horeeyay xukuumadii Xasan Sheekh hoggaaminayay.

Madasha xisbiyada oo ay ku bahoobeen ilaa 6-xisbi siyaasadeed ay leeyihiin rag isugu jira kuwo horay xilal uga soo qabtay dalka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa hadallo ka soo yeeray Guddoomiyaha madashaasi Sheekh Shariif iyo madaxda qaar ka mid ah xisbiyadda dalladaasi ku mideysan waxay gilgileen magaalada Muqdisho.

“Thuma wallaahi, Thuma wallaahi, Thuma wallaahi waan bixineynaa madaxda Dowladda haddii aanay joojin dhibaatrooyinka nalagu hayo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha madasha xisbiyada xilli xayiraad la saaray diyaarad uu ku tagi lahaa magaalada Baladweyne si uu u geeyo gargaar loogu talo galay qoysas dhibaato ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur Xasan, waxa uu Wasiirka Qorsheynta xukuumadii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, laguna eedeeyo inuu isagu saxiixay heshiiska muranka dhaliyay ee is afgaradka Xuduuda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya waa mucaaradka ugu weyn Dowladda madaxweytne Farmaajo.

ciidamada ammaanka Dowladda federaalka ayaa weeraray hoyga uu Muqdisho ku leeyahay C/raxmaan Cabdishakuur kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu ku kacay kicin dadweyne iyo inuu gacan saar la yeeshay dalal cadow ku ah qaranimada dalka, mana jirto isbaheysi uu la leeyahay madasha xisbiyada iyo axsaabta siyaasadeedka kale ee dalka ka jira.

 

Maxay qabtay dowladda Soomaaliya mudadii saddexda sano ahayd?

 

Xukuumadda dhexe ee federaalka Soomaaliya oo sanad qur ah uga dhiman mudada afarta sano ah waxay ku tallaabsatay howlo taarikhda dalka xusi doonto sida hoos u dhac ku yimid khilaafyadii horay looga bartay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, kaddib markii Madaxweyne Farmaajo u xushay inuu Ra’iisal Wasaare ka noqdo Golaha Wasiirada Dowladda dhexe Xasan Cali Kheyre, iyagoo aan haba yaraatee isku qaban howlaha xukuumadda, taasi oo meesha ka saartay sidii caadada u noqotay xukuumadihii talada dalka isaga dambeeyay tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii oo dalka uu galay burbur iyo dagaallo sokeeye.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) oo isagu horay u heystay darajo aanu gaarin mas’uul Soomaali ah oo madax ka soo noqday kaddib markii kacdoon dadweyne ku baraarugtay bulshada caalamka looga soo horjeestay cadaadis lagu saaray inuu ka dego xilka Ra’iisal Wasaaraha, ayaa markii uu ku guuleystay tartanka musharaxnimada xilka madaxweynenimo ee uu iminka hayo hadana helay taageerada shacabka Soomaalia dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Tallaabooyinka kale ee laga xusi karo waxqabadka Xukuumadda madaxweyne Farmaajo xasilinta khilaafyadii had iyo goor u dhaxeeyay Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada, inkastoo kooxaha mucaarada arrintaasi ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay Ra’iisal Wasaare Xasa Cali Kheyre oo xildhibaano ka badan ka dhigay Wasiiro si uu uga hortago la xisaabtan uga yimaada Golaha Baarlamaanka, hase yeeshee marka dhinaca kale laga eego salka u dhigtay xasilooni siyaasadeed oo ka dhex dhalata hay’adaha Dowladda.

Haddaba madaxweyne Farmaajo mudada uu hayo hoggaanka ugu sareeya dalka waxaa marag ma doonto ah in hoos u dhac weyn ku yimid taageerada ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sababta keentay arrintaasi loo sababeynayo arrimo dhowr ah oo is biirsaday.

Xukuumadda dhexe ee Soomaaliya, tan iyo markii uu madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhowaatay diilinta guusha kaddib markii ay geed dheer iyo mid gaaban u kortay dhismaha maamul goboleedka Galmudug, kaddib Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre socdaalkii ugu wakhtiga badnaa ku tegay Dhuusamareeb, halkaasina heshiisyo kala duwan kula qaatay ururka Ahlu Sunna, iyadoo iminka la filayo in aakhirka bishan ay ka dhacdo doorashada maamul oo Galmudug yeelato.

Indhaha shacabka Soomaaliyeed, xeel dheerayaasha xaalada dalka iyo kuwa beesha caalamka ayaa qiray in go’aanada adag ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ay yihiin kuwo karti u leh talada hoggaaminta dalka xilligaan adag oo dalka uu ka soo kabanayo burburkii ku dhacay mudadii 30-ka ahayd, hase yeeshee waxaa calaamad su’aal saaran in madaxda iyaga ka dambeysa ay mari doonaan wadadii ay u jeexeen hannaanka hoggaamineed ee dalka.

Akhriste halkaan ayaan ku soo koobayaa waxqabadka Dowladda xilligeedu gabaabsiga yahay, inkastoo ay jiri karaan inaan ka tegay tallaabooyin kale oo ay ku tallaabsatay Dowladda anigoo qormadeyda ay ku saabsan tahay kaliya mudada saddexda sano ee ay jirto, balse aan la ogeyn waxa ay qaban doonto halka sano ee u harsan.

 

Maxay ka gaabisay dowladda Soomaaliya mudadii saddexda sano ahayd?

 

Halkaan laguma soo koobi karo howlihii ay ka gaabisay Dowladda Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo ee muhiimka u ah dadka iyo dalka, waxayna caaqillada u kuur gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya tilmaamayaan in madaxda sare ee Dowladda inta badan wakhtigooda ku lumiyeen arrimo aan wax dan ah ugu jirin dalka iyo dadka balse danahooda gaarka khuseeya iyo sidii ay xukunka dalka u sii heysan lahaayeen.

Waxaa ugu muhiimsan howlaha dowladda cimrigeedu sii dhammaanayo oo ka gabaisay dhinacyada amniga, la dagaalanka kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna dadka dhaliila dowladda Farmaajo hoosta ka xariiqeen in mudada saddexda sano ee Dowladda Farmaajo maamuleyso talada dalka aanay jirin hal fariisin oo Al-Shabaab laga xoreeyay, taasi oo sababtay inay fursad u helaan weeraro ay ka geystaan saldhigyada ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM, magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

Dhacdooyinka ugu naxdinta badan ee dalka ka dhacay mudadii uu dalka hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ah qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo noociisa aan horay uga dhicin xitaa dalalka geeska Afrika, iyadoo baalka dhaliilaha Dowladda xilligaasi curdanka ahayd lagu qoray inaysan wax cashar ah ka qaadan ku dhowaad kunka qof iyo dhaawacyada intaas ka badan oo sababay qaraxaasi.

Qormadeyda sanadlaha ah bacdamaa ay maanta curatay bishii ugu dambeysay sanadka 2019-ka ee Disembar, waxaa kale oo in la xuso mudan sida madaxda sare ee dowladda dhexe uga gaabiyeen inay ku guuleystaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay kula dhaqanto maamul goboleedyada federaaliga ah, iyadoo hoggaanka sare uu ku wajahay inuu kula mucaamilo siyaasad aan boos ku yeelan in qaab wadahadal ah lagu xaliyo tabashooyinka madaxda gobolada ay ka qabaan xukuumadda dhexe.

Dabeysha khilaafyada hareeyay Dowladda iyo maamul goboleedyada oo haatan dul heehaabaya gobolada ay ka arrimiyaan maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa laga qabsi qabaa inay galaafato is faham madaxda Soomaalida ay ka yeeshaan hannaanka ay dalka uga dhaceyso doorasho qof iyo cod ah sanadada 2020-ka ilaa 2021-ka, inkasta oo ay socdaan dadaallo lagu suuragelinayo in heshiis wada ogol ah ay madaxdu ka yeeshaan heshiis iyo is afgarad ku wajahan doorashooyinka dadweyne inay dalka ka dhacdo iyadoo dhinac kastaaba dib u liqayo afkaarihiisa uu ka aaminsanaa dhinaca kale.

 

Duruufaha ku xeeran doorasho dadweyne oo Soomaaliya ka dhacda

 

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, iyadoona sababo dhowr ah la xiriirisay suurtagalnimada arrintaasi waxayna hoosta ka xariiqday in sabab kasta oo caqabad ku ah hirgelinta doorashooyinka dadweyne dib laga saxayo, balse doorasho ka dhici karto goob kasta oo ammaan ah Muqdisho iyo gobollada dalka intooda badan.

Duruufaha shakiga gelinaya in dalka ka dhici karto doorasho dadweyne waxaa sida muuqata ka mid ah: sharciga doorashooyinka oo miiska u saaran Golaha Baarlamaanka wakhtigiisu sii dhammaanayo, sharciga xisbiyada siyaasadeed ee dalka, dhaqaale la’aan soo wajahday howlaha lagu socodsiinayo dhameystirka dastuurka qabyada ah ee KMG ah iyo arrimo kale.

Isku soo duuboo beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa iyaguna rajo heerkeedu sareeyo waxay ka qabaan in dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah sanadada 2020-ka iyo 2021-ka, iyadoo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay dhowaan warbixin uu ka soo saaray Soomaaliya ugu baaqay madaxda siyaasadda inay meel iska dhigaan khilaafyada u dhaxeeya isla markaana ku heshiiyaan afti dadweyne oo dalka ka dhacda.

Farriinta Golaha ammaanka ka soo baxday ayaa timid xilli wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. James Swan khudbad saddex biloodle ah ka siiyay howsha xafiiska UNSOM ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

 

 

Waxaa Qoray:
Jabriil Max’ud Nuur (Jabra)
saxafi37@gmail.com