Talo bixin cudurka HIV |Aids December 01, 2019

Munaasabada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka AIDS ka oo ku asteysan 1st December ayaa Uga qeybgaley Magaalada Baydhowa Waxaana qabatey wasaaradda caafimaad Dowlad Goboleedka KGS.

waxaana munaasabada lagu direy fariin wacyigalineed ee kusaabsan iska ilaalinta cudurkan, iyo wacyigalinta iyo xanaaneynta dadka la il daran, anigu waxaan jecleystey qoraalkan yar inaa kusii biiriyo si dad badan oo Social mediaheyga ku xiran ee fariintan u aqristaan waxbadan ee uga faa’ideystan cilmi ahaan Maadama aan ka mid ahey bahda Caafimaadka.

Add caption

Waa maxay HIV?
HIV waa magaca fayraska iyo jirrada ay sababto.

Muxuu HIV ku sameeyaa jirka?

HIV wuxuu weeraraa habdhiska difaaca. Habdhiska difaaca wuxuu la dagaalamaa infakshanka wuxuuna kaa difaacaa inaad bukooto. HIV ayaa ka dhiga habdhiska difaaca daciif kumana difaaci karo. Haddii aadan qaadan daawada HIV, aad ayaad u jiran kartaa.

Maxey ku kala duwan yihiin HIV iyo AIDS?

HIV/AIDS inta badan waxaa loo qoraa hal eray oo leh hal macne. Laakiin HIV iyo AIDS waxey leeyihiin labo macne oo kala duwan.
HIV-gu waa cudurka hoos u dhaca difaaca jirka qofka.
Cudurkani waxuu la dagaalamaa xubnaha difaaca jirka. Qofka waxuu cudurka ku dhacaa (HIV positive) markuu ku
talaalmo dhiigiisa.
HIV-gu waxuu la dagaalamaa xubnaha difaaca jirka ee
cudurada ka ilaaliya. Hadi xubnaha difaaca jirka HIV-gu
dhibateyo dabadeed HIV wuxuu noqonaaya AIDS (Acquired
Immune Deficiency Syndrome). Tan micnaheeda wuxuu yahay in qofka uu halis u noqda jirooyin taa so jirka uu iska difaaci lahaa haduudan qabin AIDS.
Haddii qofka lagu sheego HIV ma aha macnaheedu inuu qabo AIDS ama uu dhimanayo. Daawooyinka HIV waxey dib u dhigta dhawaca difaaca jirka. Sidaa darteed, dadka qaba HIV waxey ku noolan karan caafimaad iyo nolol wanaagsan ,
waqtigoodana eey ka faa’ideysan karaan.

Sidee HIV-ga la isugu gudbiyaa?

HIV-ga waxaa laga helaa dheecaanka jirka sida dhiiga,
xiriirka galmada, iyo caanaha naaska. Cudurka HIV-ga
waxaa la isqaadsiin karaa marka dheecaanka jirka ee qofka qaba cudurka u gudbo dhiiga qofka kale.
Isla wadaagida cirbadaha, silingaha iyo qalabka kale ee loo isticmaalo cirbadeynta.
Waxyaabaha aan nadiifka aheyn ee dhagaha lagu durto
Qalabyada lo isticmaalo ilkaha oo aan nadiif aheyn
Hooyada waxey u gudbin kartaa cudurka ilmaha uurka ku jira, dhalmada ama naas- nuujinta.
Dhiiga la isku shubo iyo/ama waxyaabaha dhiiga ka yimaada

HIV ma la isugu gudbin karo sidan:

Qufaca, hindhisyada, shumiska, candhuufta , ilmada , wadaagida cunada , musqulaha, cayayaanka sida kaneecad
Si aad isaga ilaaliso isugudbinta HIV marka la isdurayo:
Hala wadaagin cirbadaha, silingaha iyo qalabaka kale ee loo isticmaalo duriinka

Madaama HIV laga helo caanaha naaska hooyada, waxaa
muhiim ah in hooyada cudurka qabta aysan naas-nuujin ilmaheeda. Lahadal dhaqtarkaaga Waxaa la heli karaa habab kale oo lagu caano siin karo ilmahaaga.

Sideen ku ogaadaa inuuqofku qabo cudurka
HIV/AID?

bilowga hore marka uu qofka ku dhaco HIV gu lagu arko calaamado wax sahlan u muuqda oo qofka aan dareen gelin, tusaale ahaan calaamado la mid ah kuwa
Hargabka oo saddex toddobaad inta ay qofka ka muuqdaan haddana iska tirtirma, haddii aanu qofku
xaaladdiisa si joogto ah u baadhinna waxa ay u badan tahay in sannadahaas badan kadib oo xaaladdu AIDS isu beddeshay uu qofku ogaado. Dhibaatada kale ee ay leedahay marxaladda uu cudurka HIV yahay ayaa ah in
maadaama oo aanu isku ogeyn uu dad badan sii
qaadsiin karo.

Aragti kuma sheegi kartid inuu qofkuqabo cudurka HIV/AIDS. Inta badan dadka qaba cudurka waxey u eg yihiin iney caafimaad qabaan, mana qabaan wax xanuun ah. Run ahaantii waxaa jira dad badan oo qaba cudurka HIV oonan ogeyn iney qabaan cudurka iyo in kale. Sida kaliya ee lagu ogaan karo waa in HIV laga baaro.

Ceeb na ma ahan adigoo Caafimaad qaba inaa is baartid si aad isaga xaqiijisid

Calaamadaha uu qofka cudurka qabo muujin karo waxaa ka mid ah
madax xanuun, qandho, daaal , qanjira bararan, cuna
xanuun, furuuruc, cuna xummo, muruqyada iyo isgoysyada ku xanuuna, qofka oo miisaankiisa sii nusqaama , shuban.
Ma la daaweyn karaa HIV?
HIV lama daaweyn karo laakiin daawada ayaa la tacaali karta.
Daawadu waxay hoos u dhigtaa qadarka fayriska ah oo ku jira dhiiga ilaa heer hoose, lagumana arki karo weyneeyaha. Waxaan ugu yeeraa tan ‘xamuulka fayraska ah oo aan la helli karin’ taas macneheeduna waxa weeye u jiran maysid HIV waxaadna yeellanaysaa nolol dheer. Haddii aad daawada si fiican u qaadato, taas macneheedu waxa weeye uma gudbin doontid HIV qof kaleeto.

Muhiim waxa ah marwalba inaa ku dadaalno inaa bulshada wacyigelin loo Sameeyo sida cudurka qofka qaba ula saxiibi karo midka aan qabin isaga ilaalin karo waxaa Muhiim ah inaa la faquuqin qofka cudurka la nool bulshada uu ula
noolaado si caadi ah.

Mahadsanidin.
W/Q: Dr Samia Mohamed Elmi.