Ciidamada Dowladda oo saraakiil Al-Shabaab ah ku dilay dagaal ka dhacay G/Gedo

Muqdisho:-Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay inay nawaaxiga degmada Baardheere ee gobolkaasi ku dileen Lix xubnood oo ka tirsanaa dagaallamayaasha Al-Shabaab.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Cabdullaahi oo taliye u ah ciidanka ku sugan degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in weerar ay iyagu qaadeen kadib markii ay xog ka heleen dadka degaanka.

“Dadka degaanka ayaa noo sheegay in Argagixisadu ay ku qasbaan in ay bixiyaan canshuur xoog ah, ciidankeenuna waa ay weerareen, iska hor imaad kadib waxaan halkaas uga dilnay lix xubnood” ayuu yiri Taliye Cali.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladdu ay halkaas ku gubeen laba ka mid ah gaadiidka nooca dagaalka ah oo Shabaabku wateen isagoo xusay degaanka laga saaray Al-shabaab.