Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Dhuusamareeb iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii qulqulaya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay halkaasi gaareen saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwo ka socda dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen taliyeyaasha iyo ciidamada AMISOM ee horay halkaasi ugu sugnaa.

Socdaalka ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda nabadgelyo ee ka jirta magaalada Dhuusamareeb oo ay ka socoto qabanqaabada xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamul goboleedka Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay kaddib markii ay ka degeen saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka ah, iyadoona waddooyinka waaweyn ee magaalada la soo dhoobay ciidamo isugu jira Soomaali iyo kuwa AMISOM.

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb oo maalmahaanba ahayd mid aad u kacsan isla markaana uu dib u soo cusboonaaday khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo ururka Ahlu Sunna kaddib markii labada dhinac mar kale isku dhaceen markii dhinaca dowladda ay magacowday guddiga doorashooyinka, halka ururka Ahlu Sunna oo horay heshiisyo dhowr ah la galay Dowladda iminka ka hor yimid magacaabista Dowladda dhexe ee guddigaasi doorashooyinka Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saraakiisha AMISOM ee halkaasi gaartay ay isku dayayaan sidii magaaladaasi ay uga dhici lahayd doorashada maamulka cusub ee Galmudug isla markaana meesha laga saaro khilaafyada soo noqnoqday ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo ururka Ahlu Sunna.

Xaaladda xasaasiga ah ee ka taagan magaalada Dhuusamareeb waxaa ka mid ah in madaxda ururka Ahlu Sunna oo maalmahaan shirar aan loo kala kicin uga socdeen xarunta Inji ee isla magaaladaasi Dhuusamareeb ay iminka qarka u saaran yihiin inay iyana sameystaan Xildhibaano ka mid noqonaya Baarlamaanka Galmudug.

Dadaalka Dowladda dhexe ee federaalka ay ku dooneyso inay ku hirgeliso Galmudug oo yeelata maamul cusub, kaasi oo soo maray caqabado fara badan ayaa iminka u muuqda mid hal bacaad lagu lisay ah mar haddii magaalada Dhuusamareeb gudaheeda lagu dhiso laba maamul oo wadaaga magaca Galmudug waa midka ay waddo Dowladda dhexe iyo midka ururka Ahlu Sunna ee qabanqaabadiisu halkaasi ka socoto.

Ururka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo awood xoogan ku leh gobolada dhexe ee Soomaaliya, ayaa heshiis dhinacyo badan leh waxa uu la galay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Dhuusamareeb ku sugnaa in ka badan 45-cisho, kaasi oo fulay qaar ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen, iyadoo aan la ogeyn goorta si rasmi ah ay labada dhinac u soo afjarayaan khilaafyada soo noqnoqday ee ku saabsan dhismaha maamul cusub oo Galmudug yeelato.