Dagaal ka dhashay dahab laga helay gobolka Sanaag oo faraha ka sii baxaya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya inuu faraha ka sii baxayo dagaal ka dhashay dahab laga helay degaan ka tirsan gobolkaasi, iyadoo iska hor imaad shalay dhex maray dadka degaanka iyo kooxo halkaasi macdanta Dahabka ka qodanayay uu ku geeriyooday hal qof.

Degaankaan oo lagu magacaabo Derri ayaa la sheegayaa in saddex sano kahor laga helay Dahab, iyadoo wixii markaasi ka dambeeyayna ay halkaasi gaarayeen dad isugu jira Somaliland iyo kooxo shisheeye ah kuwaasi oo iminka tiradoodu gaareyso 600-qof lagana cabsi qabo inay sii kordhaan.

Mid ka mid ah odayaasha degaanka Derri oo ka tirsan gobolka Sanaag laguna magacaabo Xasan Cabdi Caraale ayaa VOA u sheegay in qofkii saddexaad shalay lagu dilay goobta laga helay Dahabka kaddib markii ay isku dhaceen kooxaha Dahabka qodanayay iyo dadka degaanka.

“Waxaan leenahay madaxda Somaliland kaalaya oo joojiya dhiiga daadanaya, dadku waa dadkiinii” ayuu yiri Caaqil Xasan Cabdi Caraale oo sheegay in dagaalada degaankaasi ka dhacaya intooda badan ay la xiriiraan Dahabka laga helay degaanka Derri isla markaana aanu aheyn mid u dhaxeeya beelaha wada degan gobolka Sanaag.

Caaqilka ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda beelaha u dhashay Somaliland ay u dhan yihiin isla markaana aanay jirin beel ka maqan, hase yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay walaaca uu ka qabo isku dhacyada iyo dagaalada had iyo goor dhex mara dadka iyagu degan halka dahabka laga helay iyo kuwa u soo shaqo tegay ee qodanaya kheyraadka Dahabka ah ee Alle ku manneystay.

Dagaalka Dahabka ku saleysan ee ka dhacaya degaanada dahabka laga helay oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa ilaa iyo iminka wax war ah ka soo saarin xukuumadda Somaliland oo markii horeba qaati ka taagneyd dagaallo ka dhacaya degaano ka tirsan xuduuda kala qeybisa Somaliland iyo Puntland balse gobolka Sool ka mid ah, iyadoo ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland horay ugu dhex maray iska hor imaadyo qasaarooyin kala duwan ka dhashay.