Feysal Cali Waraabe oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

 Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa ee jamhuuriyadda gooni isku taageeda ku dhawaaqday Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa Saxaafadda uga warbixiyay kulamo kala duwan oo uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula yeeshay madax, siyaasiyiin iyo waxgaradka iyo odayaal Soomaaliyeed, isagoona sheegay inay isku afgarteen inta badan arrimihii ay ka wadahadlayeen.

Waxa uu sheegay Eng. Feysal Cali Waraage inuu la kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) iyo wafdi kale oo la socday, isagoona sheegay in kulankooda ay uga hadleen xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda oo uu sheegay Eng. Feysal inay isla garteen sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa difaacidda duullaanka caalamiga ah ee ku wajahan dalka Soomaaliya.

“Madaxdii aan la kulmay waxaan isku afgaranay in la badbaadiyo Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu soo duulay sidii loo boobi lahaa kheyraadkeeda” ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe oo ku eedeeyay arrintaasi inay hoggaanka u hayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. James Swan.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa sheegay inuu kulamo kale la qaatay wafdi odayaal ah oo ka socda gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya ee uu ka arrimiyo maamulka Puntland, isagoona hoosta ka xariiqay in arrimaha kulankooda uu ku saabsanaa iskaashi ku saabsan nabadda gobolada deriska ah ee Puntland iyo Somaliland.

“Dowladda Xamar ee Farmaajo madaxda ka yahay waxay Itoobiya u saxiixeen inay la wareegto Badda dheer ee xiriirisa Soomaaliya iyo Somaliland Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo sheegay in ujeedada Farmaajo ka leeyahay ay tahay sidii uu u sii heysan lahaa xukunka dalka.

Hadalka Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa caddeeyay in xukunka Aby Ahmed uu yahay mid lagu hirgelinayo fikraddii Boqorka Minilik ee ahayd sidii ay dhulka Soomaaliya kula wareegi lahaayeen, isagoona tilmaamay in iminka tallaabadaasi ka dhaqan galeyso dalalka Geeska Afrika.

“Bal eeg xoolaha Itoobiya u dhoofiyo dalka dibadiisa dalka Jabuuti ayaa laga qaadaa, iyadoo masaafo aad u dheer u lugeynaya, mana ogola in laga dhoofiyo Somaliland oo ka sokeysa dalka Jabuuti” ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraage oo tilmaamay in arrintaasi loo baahan yahay Soomaalida inay ku baraarugto isla markaana madaxda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay wadajir uga hortagaan.

Eng. Feysal ayaa furka ku tuuray beesha caalamka, isagoona sheegay inay ka shaqeynayaan sidii dhulka Soomaaliya iyo Somaliland kheyraadkooda loo boobi lahaa, taasi oo loo adeegsanayo quwadaha deriska ah oo ka tilmaamay dalka Itoobiya, hase yeeshee eedeymaha Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa u muuqda mid jawaab u ah go’aankii beesha caalamka dhowaan ka soo saartay muddo kordhinta golaha guurtida ee golayaasha Somaliland ay uga hor yimaadeen.

Wadamada beesha caalamka ayaa horay ugu tilmaamay in dimoqoradiyadii ka jirtay jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland mugdi gelineysa haddii aanay xukuumadda Muuse Biixi joojin tacadiyada ay u geysaneyso bulshada qeybaheeda kala duwan sida caburinta afkaaraha xorta ah, Warbaahinta iyo xorriyadda hadalka.