Doqon ayaa lagu soo eedeeyay in uu Caqli badan yahay, Maxkamadiina wax Dambi ah waa ku weeysay=Nasashada Jimcaha. Q-176=

1-Suuqa Bakaaraha qeybta Maacuunta oo Dab qabsaday ayaa loogu yeeray Ciidanka Dab-damiska, waxa ey yimaadeen qaybtii Maacuunta oo bas beeshay, waxa eyna bilaabeen in ey isa sursuraan Tubooyinkii Dabka lagu dami lahaa.

Gudoomiyihii Suuqa ayaa ku dhaaray, inayna shaqada bilaabin illaa ey shaah cabaan oo ey nastaan. ( F.S: 1aad)

( Dadku waqtiga ay dhibaatada qabaan wax ha loo qabto)

2-Nin doqon ahaa ayaa Xaaskiisii Geeriyootay, waxaana la garan waayay Sababta ey u Geeriyootay. Markii Godka la galinayay, ayaa qaarkii hore qaloocday, haddii la toosiyay ayaa haddana qaarkii Dambe qaloocday. Ninkeedii oo Qabriga agtaanaa ayaa inta uu is hilmaamay kor u yiri: Walee Maddax adeeygaasi waa wixii aan kugu Dilay.

(Doqon ayaa lagu soo eedeeyay in uu Caqli badan yahay, Maxkamadiina wax Dambi ah waa ku weeysay)

3- Waqtiyadii hore odayaasha Somaalida ee Garta Geedka ku galayo, Dhalinyarada uma ogoleeyn in ey Doodaha ka qeyb galaan, ama talo ka diibtaan, waase dhageeysan jireen, Culumada ka Aqoonta badanna in ey Imaam u noqdaan looma ogoleeyn, isaga oo aan isku filneeyn Guur looma ogoleyn, Gabdhaha walaalaha ahna seey u kala weyn yihiin ayaa loo kala hor Bixin jiray, looma ogoleeyn dhalin yaradu in waalidka iyo Abwaanada ku Af noqaan. ( F.S: 2aad)

Dhalinyaradii ayaa tiri: Xuquuq naga maqan ayaan raadsaneeynaa. Waxaa la arkay 18 jir 25 Buug Qoray, 13 Abwaan ah oo aan la fahmeeyn, 20 jir Fanaan ah oo 6 Album oo heesaa magaciisa ku qortay , 18 jir shan jeer la furay ama wax soo furay, Qaali 16 jir ah, wasiir 22 jir ah, Safiir 19 jir ah, la taliye Madaxweyne oo 20 jir ah. Millionaire 21jir ah, khabiir aan qaangaarin, 16 jir waalidku ka cabsanayaan.

“kolley ama waa horuumar la gaaray, ama waa dib u dhac midkood”

( Soomaalidu waa dad karti badan, Falastiin hal Maalin waa ku xureeyn karaan, Laakin Hoteel Qudus ku yaal maamulkiisa kuma heshiin karaan)

4- Saddex Nin oo Qurbaha ka yimid ayaa loo magacaabay 3 Agaasime. Iyaga oo ku sheekeeysanayo Bar Liido ayeey ku heshiiyeen in mid kasta uu ceebtiisa sheego, iskuna sir qarsadaan.

kii 1aad ayaa yiri: Anniga dhibka i heeysto waa haddii aan Lacag arko ma dhaafi karo in aan xaddo ayaan rabaa, illaa intii la i magacaabay waxaan xaday $ 600.000. Cidina ima ogaan.

Kii labaad ayaa yiri: Anniga Ceebteeydu waa Naag. Naag haddan arko ma dhaafi karo, dhamaan Naagaha Xaafada, Xafiiska, iyo Hotelka waan wada shukaansaday. Xaaskeeyga oo Qurbaha jirtana ima ogo.

Kii Seddexaad ayaa yiri: Aniga, Aniga, wuuna ooyay, Anniga dhibka i heeysto waa: wixii la ii sheego maba qarin karo. ( F.S: 3aad)

( Ceebta Alla ha asturo)

5-Oday Faarax oo Warqad iyo Qalin uu is dul saartay ku mashquulsan, ayaa wiilkiisii u yimid kuna yiri: Aabe maxaad sameeynee,? Aabihii ayaa ku yiri: Adeerkaa oo Gaalkacyo joogo ayaan warqad u qorayaa.

Wiilkii ayaa ku yiri: Aabe sidee, ma Adigaaba si wax loo qoro yaqaan. Aabihii ayaa ku yiri: Nacas, oo Adeerkaa laftiisuba ma yaqaan si wax loo Aqriyo.

(Ha la yaabin haddaad aragto,la taliye ka tala bixinayo wax uunan Aqoon, illeyn kan Talada la siinayo ayaanba fahamsaneyn waxa lagala talinayo)

6- Nin istarees badani hayo oo Madaxu xanuunayo ayaa Dhakhtar u tagay. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Anniguba waan qabaa xanuunka, Dumarka ayaana Daawo u ah, waxaana isaga daweeyaa Xaaskeeyga Xaliima Luula ayaan la seexdaa kadibna haaheey.

Ninkii ayaa 2 Usbuuc kadib, Dhakhratkii u soo Noqday kuna yiri: Datooree Aniga oo iskaabolo ah ayaad talo fiican i siisay, hadda istreeskii waan ka bogsooday, waa runtaa in Xaaskaaga Xaliimo Luula ey Daawo u tahay istreeska , Labadiinaba waa idiin duceeyay.

( Talada aad bixinee Qofka aad siinee ka fiirso, shidaalna haku shubin Baabuur aan soconeeyn)

Qore: Yahya Amir