Diyaarado dagaal oo Xalay Duqeymo ka fuliyay Degmada Jilib

Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolkaasi.

Duqeynta ayaa lala beegsaday sargaal sare oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab iyo ilaaladiisa, xili uu shir kasoo baxay safarna u ahaa deegaano hoos yimaada degmada Jilib.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeynta ay dhacday wax yar uun kadib markii uu soo dhamaaday shir looga hadlayay amniga oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ah

Dhankakale lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha noo warantay oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay in ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.