Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ka imaanyaa Magaalada dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Itoobiya ay gaareen duleedka Magaaladaasi.

Ku dhawaad 11 gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada Itoobiya ayaa lagu arkay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in ciidamada itoobiya ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashada Maamulka Galmudug