Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddoomiyaha ONLF oo ku kulmay Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saakay kulan la qaatay masuuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha Xisbiga ONLF iyo xubno ka mid ah wafdigiisa oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi caasimadda dalka Kenya.

Kulankan oo ahaa Hambalyo madaxweynuhu ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF mudane Cabdiraxmaan Maadey, is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo isku wadida bulshada dal iyo dibadba ayaa kusoo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed sida lagu yiri qoraal la soo dhigay bogga Facebooka ee madaxweynaha Jubbaland.

Dhinacyada ayaa sheegay in kulankaan uusan aheyn kii ugu dambeeyay has’ahaatee ay jiri doonaan kulamo kale oo noocaan ah loogana tashanayo arrimaha gobolka iyo si gaar ah siyaasadda Soomaaliya.