Lafahaba midaan la jebinaa jirto!! Qalinkii Xusseen Wadaad

Dadku waa karaameysan yahay oo Rabbi ayaa karaameeyayoo waa kan na leh Walaqad karramnaa banii aadam. Midda kale waa tan la yiraa ”Man sharafa nafsahufahuwa shariif”oo iyana noqoneysoQofkii naftiisasharfaa sharfan”. Minaad mug kale jalleecdana,  bal arag sida uu Rabbi u leeyahay Inna akramakum cindallaahiatqaakum”.

Caqliguna, waa waxa uu uga duwan yahay dadku, noolahakale oo dhammi. Haddiise caqli iyo cindi taliyaa la waayo, waxaa la noqohaa uun isma dhaanto xoolaha aan dhaamin.

Marka aad jalleecdo arrimahaas iyo kuwa kale oo caqligugaran karo, waxaa kuu soo baxaayo in dadku isku qiimo yahay9 biloodna ay ku wada dhasheen sida qaalibkaa.

Haddaba, Soomaalidu waxyaabaha ay cuskadaan oo aydaliishadaan waxaa ku jiroLafahaba midaan la jebinaajirta, waa tee laftaas ka mudan lafaha kale oo haddii la jebiyo murugadu dhaceyso? Mise xaalku waa uun sida Laabta ka soco.

Waxa aan arrinkaas farta ugu goday maahan, ha laga tagoxushmadda iyo qaddarinta la isu haayo, waana mid loo baahanyahay in la sii xoojiyo oo xaalku ahaadoAdaa mudan iyoadaa mudan”, iyadoo xaalka loo celihaayo Fas’aluu ahlu dikrinkuntum laa taclamuun”, Wax kastaa  waa in ciddaaqoonteeda leh  wax laga weydiiya, waxaay uun dhalee guuliyo wanaag, haddiise xaalku noqdo wax walbaa anaa daadshayoo aqaan, anaana mudan, wax kastaa uun waa hallaabayaan. Xaalkuna waxuu ku fiican yahay uun, inaan laga dhigin ”is dhexyaac”, oo natiijadu noqonayso uunDharagii fara badshaa waa fuud xaraareeyaa, oo taas lafteeda far la gelinkaro oo la dhihi karaayo, wax kastaa in loo tala badsadaaqumman oo gees walba laga istaagi karo, si loo helo waxmiiran oo nadiif ah. Tanaaqudyadu ma yara!!!.

Waa loo baahan yahay qofka yar inuu xushmeeyo kan weyn, kan weynna uu tixgeliyo kan yar, balse cid kastaa waxa aytaqaan ha looga dambeeyo, taas ayaana qumman.

Waxaa kaloo uun arrinkaan dhinac ka soo geleyso, middii kale ee aheyd Laf kaa weyn waa ku jebisaa oo la micnonoqoneyso ”Nin gukaa weyn garaad kaa weyn, waa yaabeGuiyo garaad maxaa iska galay? Ama si kalebaLafo dabaalyaqaan ma shiidaanHadda ogoow xaalka dabaasha laga hadlaayo tii biyaha maahan ee wax kalaa loo cuskaa oo waafaquuq cid uun la fogeynayo, loona diidayo xaqiisa. Misexaalku waa uun laabta ka soco oo laga tegey Caqliga ka soco!!.

Waxaan iyana maqli jiray Ninka yar iga celi kan weynaneeyska celaaya. Kan weyni waa kuu turaa ayay u eg tahay, Semenkaanse waxaa yimid mid weyn oo aan tureyn oo waxkastaa cardaaduqaha ka dhigaayo, Alloow namootiZemenku, isagaa wata duruufahiisaAdiguna, waa in aad garataa saad ula jaanqaadi laheydHaddaad garanweysana Daadku ha ku qaado.

Lafuhu, ma kala mudna, oo waa la wada jebshaa. ..Dadkunawaa simman yahay, waxaase laysku leeyahay in qof kastaawaxa uu yahay, aqoontiisa iyo da’diisa lagu xushmeeyaa. Ummuuraha masiirigaana dadka ay ka dhexeeyaan, cidkastaana ay rabta uga aaddan oo aqoonteeda iyo kartideeda uuleeyahay uu ka qabtaa, xaalkuna ahaadoBerberkeey ka baxdaa waa Bakeyle galeen. Yaan la sii ahaan Laabta ka socoee ha loo gudbo Caqliga ka soco.


Xuseen
M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com