Guddiga doorashada Galmudug oo shaaciyay waqtiga la xareyn doono odayaasha dhaqanka.

Guddiga farsamada iyo dhismaha maamulka Galmudug iyo qaar kamid ah Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ayaa maanta kulan Ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta xulista Baarlaamaanka cusub ee Galmudug iyo sidii loo xareyn lahaa Odayaasha saxiixayaasha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddigga farsamada iyo Dhismaha Galmudug C/Naasir Geelle ayaa sheegay in Maalinta Sabtida ah ee soo socota la xareyn doono Odayaashii soo dhisay Galmudugtii hore si loogu gudbo soo xulista Baarlamaanka Galmudug.