Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Dhuusamareeb:-Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Mudane; Sabriye iyo wafdigiisa ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay xubno ka mid ah maamulka Gobolka Galgaduud iyo kan Degmada Dhuusamareen ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka.

Dhuusamareeb ayaa isu diyaarineysa in ay marti geliso shir weyne ay maamul loo dhan yahay ku dhisanayaan Dadka Galmudug, kaas oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda halkaas.