Maxaa iska badalay wakiilada Mareykanka ee somalia

Wakiilada Dawlada Mareykanka ka jooga soomaaliya ayaa waxay Baaq u direen Hogaanka Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre

in la soo afjaro kala aragti duwanaashaha Siyaasaddeed ee kala dhaxeeya Dowlad Faderaalka iyo maamul Gobolleedyada qeybta ka ah sida Jubbaland iyo Galmudug, Puntland

Danjiraha Dowladda Mareykanka Donald Yamamoto, iyo Saraakiish Mareykanka ee Howlgalka Somalia ayaa magaalada Muqdisho shir deg deg ah kula qaatey Raysal wasaare khayre kulankaa

Wax-yaabaha ay kala hadleen waxaa ka mid ah sidii horamar looga sameyn lahaa nabadda, xasiloonida, iskaashi u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya.

Danjire Yamamoto, ayaa sheegay in intaas oo si isku mid ah u wada shaqeysa ay horseedi karto Soomaaliya oo Guulaysata.

Dawlada Maraykanka wakiiladooda soomaaliya waxaa u cadaatay in
Hogaanka Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre in ay ku fashilmeen Qorshii Afarta sano ahaa 2017- 2021 ee Xasiloonida siyaasadeed ee soomaaliya

Dhaqanka Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre markaan wax badan u fiirsato waxaa ku soo baxaysa.

inay yihiin labo hogaamiye oo ka indhala Nidaamka dowlad-nimo ee ka jira Caalamka, dastuurka lagu hashiiyey Ma aqoonsana waxay aqoon sanyihiin dastuur ay ugu yeeraan Nabad iyo Nolol.

Danjire Maxamed Caalim