Haddii ay dagaallamaan Ruushka iyo Britain, maxaa dhici kara?

Ciidamada dhulka ee Britain ayaa “si baaxad wayn loogaga adkaan karaa” haddiin ay Ruushka kula dagaallamaan Bariga Yurub, sida ku xusan warbixin ay soo saareen khubaro ka hadasha arrimaha difaaca.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Machadka Royal United Services Institute (Rusi) waxay ogaadeen in ciidamada Britain iyo sidoo kale xulafadooda NATO, ay haysato “caqabad adag” oo ah in hubka iyo madafiicda ay aad ugu yaryihiin.

Sida ay sheegeen khubarada, waxaa suuragal ah in askarta aysan dhanka dhulka iska difaaci karin.

Wasaaradda difaaca ee Britain waxay sheegtay in Nato ay si dhow ugala shaqeyneyso ayna “si wanaagsan u qalabeyneyso si hogganka ay u qabtaan”.

Baaritaankan la sameyay wuxuu soo baxay ka hor kullanka hoggaamiyayaasha NATO ee London ka dhacaya isbuuca soo socda, iyagoo xusaya sannad-guurada 70-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii gaashaanbuurta Nato.

Britain iyo dalal kale oo ka tirsan NATO, waxay sameysteen ciidamo ka howlgala Bariga Yurub si ay uga hortagaan halista ka imaan karta dhanka Moscow ka dib markii ay goosatay Crimea, sannadkii 2014-kii.

Qiyaastii, 800 oo askeri oo British ah ayaa hadda ku sugan dalka Estonia. Markii ugu horeysay ee halkaas ay gaareen waxay ahayd sannadkii 2017-kii.

Laakiin, cilmi-baarista machadka Rusi waxaa lagu ogaaday in ciidamada qalabka sida ee UK aysan haysanin hubka awoodda leh, marka la barbardhigo militariga Ruushka.

Waxaa warbixinta lagu falanqeeyay awoodda militari waxa ay noqon karto “haddii ay dhacdo” arrin lagu tilmaami karo “dagal culus oo faraha loog gubto kaas oo dhexmara Ruushka iyo Nato, halkaas oo Britain ay horey u ballanqaaday in ay geyneyso hub dagaal”.

“Xilligan, waxaa jiro halis ah in UK – aysan dagaal dheer gali karin – kaas oo ay suuragal tahay in uu hareeyo yareynta xiisadda marka xamaasadda ay gaarto halis dhanka awoodda ah”, ayaa lagu qoray warbixinta.

Waxaa intaa lagu daray in “Britain, si baaxad wayn looga hub badan yahay, loogana tayo dheer yahay”, taas oo sababi karta in si fudud looga adkado askarta UK.

Madaafiicda Ruushka iyo gantaallada beteriga ku xiran, waxaa horey loo caddeeyay in ay awood leeyihiin, waxayna daqiiqado gudahood ku babi’iyeen laba guuto oo ka tirsan ciidamada Ukraine, sannadkii 2014-kii.

Ciidamada UK iyo dalalka kale ee Nato, waxaa aad ugu yar madafiicda dhulka laga tuuro, rasaasta iyo gaadiidka lagu qaado.

Warbixinta waxay sheegtay in “cusbooneysiinta iyo casriyeynta” gantaallada dhulka laga ganno ee Britan ay tahay “arrin degdeg ah oo baahan in mudnaan gaar ah la siiyo”.

Taasi iyadoo ka jawaabeysa, wasaaradda difaaca ee Britain waxay tiri: “UK keligeed ma ahan, waxaa wehliya xulafada NATO oo si dhow uga wada shaqeynaya dhanka hawada, badda, dhulka, nukliyeerka iyo internet-ka, si looga hortago halista loogana jawaabo duullaanka”.

Waxay intaa ku dartay: “Maadaama aan nahay dalka bixiya dhaqaalaha ugu badan NATO ee Yurub, ciidamada UK waa kuwo qalabeysan oo hoggaamin kara ka hortagga halista iyo xaqiijinta amniga iyo badqabka shacabka Britain ee dalka iyo dibaddaba”.

French President Emmanuel Macron at a Nato summit in Belgium, 2018

Warbixinta waxay soo baxday seddax isbuuc ka dib markii uu madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron uu Nato ku tilmamay sida “maskax dhimatay” – isagoo xoojinayay wada shaqeynta sii yaraaneysa ee dalalka Atlantic-ga iyo garabkii ugu weynaa ee Mareykanka.

Macluumaad ay wasaaradda shaaciysay bishii August waxaa lagu xusay in xajmiga ciidamada xoogga Britain ay hoos u dhacday sannadkii sagaalaad.

Wafdi ka socday militariga Ruushka ayaa sannadkii la soo dhaafay booqday Scotland, si ay u qiimeeyaan mid ka mid ah dhoolatusyada ugu waaweyn Nato ee Yurub.

Arrintaan booqashada ah waxaa UK ku qasbay xeerka Vienna oo u jeedadiisu tahay is aaminaad iyo hufnaan dhexmartay dalalka saxiixay.

Xigasho:BBCSomali