Dowladda Soomaaliya oo dib u billowday dhoofinta Muuska Soomaaliya+Sawirro

Muqdisho:-Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ay wehliyeyn Wasiir ku xigeenka Dekedaha, Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga, Xubno ka socday mashruuca GEEL , ayaa Maanta Daah-furay mashruuca dhoofinta Muuska/Mooska.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Mudane, Saciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabadda Daah-furka dhoofinta Muuska/ Mooska oo ka dhacday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shaqadan ay qeyb ka tahay qorshaha ay Dowladdu ku dhiiri-gelineyso wax soo saarka Dalka.

Mudane; Ciid, ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kordhiyaan wax soo saarkooda si uu Dalku u gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Intii lagu gudo jiray munaasabaddan ayaa Dekedda Muqdisho waxaa laga dhoofiyay Labo Konteenar oo horudhac ah oo ay hubinta tayadoodu iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha, Shirkadda GEEL Project iyo ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Beeraha, kaas oo si tijaabo ah loogu diray Dalka Sacuudi Carabiya.

Muuska oo ka mida dalagyada ugu badan ee Dalkeena laga dhoofin jiray 30 Sano ka hor ayay soo celinta iib-geyntiisu waxay faa’iida weyn u tahay dhaqaalaha Dalkeenna oo hadda ku jira soo kabasho wanaagsan.