Sheekh Soomow: Wadaadkii Mucjisada Ahaa!!!

Maalintii Khamiista aheyd ayaa lagu baraarugay Shiikh C/qaadir Shiikh Soomow oo naqdinaya Muxaaradaro la filayay inuu Shiikh Umal ku qabto Garoonka cayaaraha ee Eng Yariisow Ex Banaadir, muqaal uu Shiikh Soomow soo dhigay Baraha bulshada ayuu ku caddeeyay inay Ahlu Sunna si weyn uga soo horjeedo Muxaadaradaas.

Miyi iyo Magaalo ayay diidmadaas ku faaftay, aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay arintaas, Culumada Ahlu Sunna ayaa si diirran u soo dhaweysay hadalkii uu soo saarey Afhayeenka Culumada Soomaaliyeed, hase yeeshee waxaa hadalkaas ka biyo diiday Rag ay ka mid yihiin Shiikh Bashiir iyo Shiikh Cali Wajiis oo sheegay Shiikh Soomow inuu u gefay Shiikh Umal.

Dagaalkii Diimeed ee u dhaxeeyay Culumada ayaa uu laba Qarxay maalintii Jimcaha aheyd, abaarihii waa xilligii Salaada Khudbada kadib, waxaa la isku arkay Masjidka Isbahaydiga, Boqollaal ka tirsan Reer Ahlu Sunna ayaa bannaanka Masjidka ka bilowday Digri iyo Saliga Nabiga CSW, intii uu socday Digrigaas waxaa gudaha Masjidka lagu hayay Shiikh Umal oo markii dambe halkaas laga waday!

Halgankii ay Ahlu Sunna ku diidanayd Muxaadarada Shiikh Umal ayaa sii xoogaystay, Jameecooyin ka tirsan Ahlu Sunna ayaa ku bannaan-baxay Garoonka Eng Yariisow, iyaga oo ku dhawaaqayay Nabiga caaye Doonimayno, Diinta gate Doonimeyno iyo halku dhigyo kale.

Darreenka dadkaas carreysan darteed ayaa loo baajiyay Muxaadaradii u qorsheyneyd inuu qabto Shiikh Umal, dadaal ku aadan sidii loo damin lahaa xiisadda Diimeed ayaa la isku dayay balse waa shaqeyn weysay, koox Wasiirro ah oo wadaada isaga Dab qaadaysay ayaa ku guuldareystay inay xaliyaan khilaafkii jiray.

Caqli, Cilmi iyo Lacag haddii la isku keenay waa suurgal gali weyday in muxaadaraddii Shiikh Umal ay ka dhacdo Garoonka Eng Yariisow, si Shiikh Umal looga raali gareeyo diidmadii ay kala hor yimaadeen Shacbiga reer Muqdisho ayaa Wasaaradda Diinta waxay soo abaabushay kulan loogu wanqalay Soo dhawrynta Shiikh Umal oo ka dhacay Hotel ku yaalo magaalada Muqdisho.

Haatan gabi ahaanba muxaadaraddii waa la baabi’iyay, Shiikh Umal waxa uu dib ugu laabanayaa fariisinkiisii magaalada Nairobi.
Bulshada reer Muqdisho ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweysay muxaadarddaas joojinteeda, iyaga oo caddeeyay rabitaanka Shacbiga Muqdisho in lagu baajiyay.

Wadaadkii bilaabay diidmada Muxaadardaas ayaa Toddaabkaan noqday Shiikha ugu hadal haynta badan Soomaaliya, Siyaasiyiin badan ayaa laga soo xigtay inaan Shiikh Soomow loo gali karin, waxayna xaqiijiyeen inuu yahay Wadaadka xilligaan ugu taageerayaasha badan Culumada Soomaaliyeed.

Iminka lama dhayalsan karo Shiikhaas, waa in Xisaabta lagu dartaa, hubaashii wadaadkaas yaan la fududeysan, Xalka qeyb ayuu ka nqon karaa maadaama uu bulshada ku leeyahay Saameyn ballaaran.

WD:C/laahi Shiikhaalow