Qaabka uu noqonaayo Jadwalka doorashada Galmudug oo la shaaciyay.

Guddiga Farsamada ee Maamul Dhisidda Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada maamulkaasi, wixii hadda ka bilowdana si toos ah ayaa loo guda galayaa hannaanka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Jadwalka la soo saaray ayaa waxaa lagu tibaaxay in 29-ka bishan November uu bilaaban doono hannaanka soo xulista Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, isla markaana 10 bisha December uu si rasmi ah Baarlamaankaas u howl bilaabi doono.

Sidoo kale waxaa jadwalka doorashada lagu shaaciyay xilliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Taasi oo dhici doonta inta u dhaxeysa 13-ka illaa 16-ka bisha December ee foodda inagu soo hayso. Sidoo kale waxaa Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay dhici doontaa 17-ka illaa 23-ka December.

Hoos Ka Aqriso Jadwalka: