Maamulka Soomaaliland oo saakay xirtay dad u dhashay Imaaraadka Carabta.

Wararka naga soo gaaraya magaalada hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliland ay saaka xireen , islamarkaana ay xabsiga dhigeen Sagaal Nin oo u dhashay dalka imaaraadka Imaaraadka carabta,kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen ugaarsato.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in raggaan laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa,iyaga oo ku wajahnaa dalka Imaaraadka carabta.

Agaasimaha Duur joogta ee Wasaaradda Deegaanka Soomaaliland Naasir Xuseen ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey xariga Sagaalka Nin ee u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta e sida sharci darrada ah uga ugaarsanayey deegaano ka tirsan Soomaaliland,kuwaas oo uu sheegay in sharciga la marsiin doono.

Dhanka kale ragaan la qabtay ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaayeen deegaan lagu Magacaabo Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex ee Soomaaliland oo ay sheegeen inay mashaariic ka fulinayaan,hayeeshee dadweynaha deegaankaas ay sheegeen inay wadeen howlo ugaarsi ah,sidaasina lagu xiray.