Ciidamada Kenya oo si buuxda ula wareegay amniga Maxamuud Siyaad Aadan.

Muqdisho:-Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in ciidamada Kenya in ay la wareegeen Ammaanka Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo dhawaan loo diiday in uu tago degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Warbixinta Wargeyska ayaa waxaa lagu shegay in hotel uu ka degan yahay Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan la sheegay inay ammaankiisa ay ku ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan Millateriga Kenya.

Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Kenya ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo Sayid Aadan la dajiyey Hotel ku yaalla magaalada Mandera, islamarkaana ay la wareegeen amnigiisa, waxaa uuna sheegay sarkaalka in Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland ay Ciidamada Itoobiya u diideen in uu tago degmooyin ay ka mid tahay Balad Xaawo,taas oo keentay in uu aado Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Dhankakale ma jirto xog intaasi ka dheer uu bixiyay sarkaal ka tirsan difaaca dowladda Kenya oo la hadlay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya

Links:- https://www.nation.co.ke/news/africa/Somalia-Jubbaland-Vice-President-stuck-in-Mandera/1066-5362658-pdj53z/index.html