Xildhibaan ka hor sheegay Golaha Shacabka in NISA ay u diiday inay Safarto Gedo

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo katirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulanka golaha shacabka waxaa ay ka hor sheegtay in garoonka diyaaradaha Muqdisho looga hor istaagay safar ay ku tagi lahayd gobolka Gedo.

Waxay sheegtay xildhibaan Dalays “is hortaag ayay ku sameeyeen hay’ada nabad Sugidda Qaranka (NISA)” ayay tiri Xildhibaanad Dalays.

Dhanka kale Xildhibaan Dalays ayaa waxay ku baaqday in guddoonka golaha shacabka arintaasi ay wax ka qabtaan, waxayna codsatay in lagu daro ajandaha baarlamaanka Soomaaliya.