Dowladda Itoobiya oo Hub Casri ah u dalabtay Ciidamadeeda si ay u xoojiso Cududeeda.

Bishan November 2019 Ethiopia waxay Dowladda Faransiiska Ka codsatay in Amaah ahaan Looga iibiyo Hub qiimihiisu Ka badan yahay 4 Billion euro. Sida Ku cad qoraalka qarsoodiga ah ee RW. Ethiopia Abey Axmed uu u diray Madaxweynaha Faransiiska Mr. Emmanual Macron.

Hubka ay dalbatay Ciidamada Itoobiya ayaa kala ah

1- Helicopter-ka Dagaalka ee Tiger HAD- H125m & H145m.

2- Helicopter- Ka weyn ee Ciidamada lagu qaado ee H 225.

3- Gantaalo leh Madaxyada Nuclear- khafiifka ah , waa nooc Ka mid ah hubka halista ah, inkasta oo beryahaan la isticmaalo Kan Madaxda Ku leh Sunta khafiifka ah.

4-Fighter Jets,12 Dayaaradood oo ah 18H, Mirage 2000, 2000n iyo 2000d.

5- Air Bus. 2 Dayaaradood oo ah kuwa Ciidanka lagu daabulo nuuca C295.

6- Dayaaradaha aan Duuliyaha leheeyn ee Drone, 10 Xabo , nuuca nEkOn-UCA.

7- Electronic Jamming System, Qalabka Tashwiishka galiyo isgaarsiinta cadawga Nuuca ECM.

8- Gantaalada Ridada dheer, 30 Xabbo Nuuca M51, SLBM, MS 1.1, MS 1.2, iyo MS 1.3. kuwaa oo Ridadoodu gaareeyso 6000km.

Hadeey isku jiraan 6000km Adis iyo Mogadishgu waxay isku jiraan 1.060km Dhinaca hawada, Dhinaca Dhulkana 1.414km. Adis iyo Qaahirana waxa ey isku jiraan 2.480km.

Dhanka kale hadda sow ma haboono in aan Raadsano Saaxiib aan la galano Heshiis difaac haddii Nalagu Soo duulo, inta aan Ka dhisaneyno Ciidan xoog badan.