Dagaal u dhaxeeya Burcad dhacaysay Guri iyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo Xalay Ka Dhacay Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo Burcad ah oo xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Gubta Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxaha Burcadda ah ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhacaan guri ku yaalla degmada dayniile ee Gobolka Banaadir,balse qorshahooda lagu wargaliyay ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Iska Hor imaadka dhexmaray labadda dhinac, ayaa waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah ragii burcadda ahaa,waxaana guriga la doonayay in la dhaco la wareegay Ciidamadda ammaanka Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Mudooyinkii dambe waxaa soo kordhayay kooxaha burcadd ah oo dhac u geysanayay qaar kamid ah guryaha ku yaala magaalada Muqdisho.