Xukun lagu riday Ninkii isku Qarxin rabay Degmada Guraceel.

Maxkamadda Darajadda 1aad ee Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa Maanta Go’aan ka gaartay Kiiska Nin lagu eedeeyay inuu ka tirsnaa Al-shabaab, isla markaana doonayay inuu isku qarxiyo Munaasabad ka dhacday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Maxamuud Cabdi C/raxmaan oo ah Nin shalay la soo taagay Maxkamadda Ciidamada, lana qabtay xili uu doonayay in uu qarax Ismiidaamin ah uu ka fuliyo Munaasaba ay dhigayeen Ahlusunna Waljameeca ayaa Maanta Maxkamaddu ku xukuntay Xabsi daa’in.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa xukun ku diray Cali Dhubad Nuure Siyaad oo lagu eedeeyay inuu ahaa shaqsigii Guriceel keenay Maxamuud Cabdi C/raxmaan, waxaana Maxkamadda ku xukuntay isna Xabsi daa’in.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa raggan ku eedeesay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana eedeeysane Cali Dhubad Nuure Siyaad sheegtay inuu ahaa sahmiyihii qaraxa uu doonayay inuu fuliyo Maxamuud Cabdi C/raxmaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda CQS Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay Go’aanka ay ka gaartay Kiiska raggas, isagoona sheegay in ragas lagu riday xukun ah Xabsi daa’in.
AMISOM ayaa sheegtay in xabadda ku dhacday Almaas ay ahayd mid aan gudaha Xerada Xalane laga riday islamarkaana ay baaris ku hayaan.

Marxuum Almaas ayaa noqotay qofkii labaad ee Soomaali ah heytana dhalashada dalka Canada oo sanadkan gudihiisa lagu dilay Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Hodon Naaleeye oo heysatay dhalashada dalka Canada , waxay dib ugu soo laabtay dalka si ay uga qeyb qaadato dib u dhiskiisa , balse Qarax ka dhacay Kismaayo ayaa 12-kii July ee sanadkan ayaa lagu khaarajiyeey iyada iyo dad uu ku jiray seygeedii.