Waqti kordhin mar kale loo sameeyay Golaha wakiilada Maamulka Somaliland.

Hargeysa:-Golaha guurtida Somaliland ayaa mudo kordhin labo sano ah u kordhiyay golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo mudo xileedkoodu ku ekaa 01-01aad ee sanadka 2020-ka.

Gudoomiye ku xigeenka golaha Guurtiga Saciid ayaa ka hor akhriyay golaha soojeedinta guddi loo xil saaray arintaas, intaas kadibna guddoomiyaha guurtida Somaliland Saleebaan ayaa cod geliyay inta soo jeedintaa ogol iyo inta diidan.

Kulanka oo ay soo xaadireen 71 mudane ayaa waxaa waqti kordhinta u codeeyay oo ogolaatay 70 mudane, waxuuna halka dhiman ahaa guddomiyaha oo aan isagu codeyn.

Mudo kordhintan ayaa noqonaysa tii lixaad ee golaha wakiilada loo sameeyo, kuwaas oo kuraasta fadhiya haatan mudo 15-sano ah.