Qoyska ay ka geeriyootay Almaas oo dalbaday in baaritaan wadajir ah ay sameeyaan Canada iyo Soomaaliya.

Muqdisho:-Qoyska Allaha u naxariistee Almaas Elman Cali Axmed oo 20-kii bishan ee galabkii Arbacada lagu dhex toogtay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in baaristaan lagu baadi goobayo cidii dishay gaba dhooda oo ay wado AMISOM lagu daro dowladaha Canada iyo Soomaaliya.

Qoyska ayaa qoraalka ay soo saareen bulshada uga codsaday in la joojiyo wararka badan ee lagu baahinayo Warbaahinta Bulshada iyo kuwa aan la hubin ee laga qorayo geerida marxuum Almaas Elman.

Almaas ayaa waxaa ay heystay dhalashada Dalka Canada,waxaana ay noqotay qofkii labaad ee heysta dhalashada dalka Canada oo sanadkan lagu dilo gudaha Soomaaliya.

“War kasta oo haatan laga soo saaro duruufihii ay Almaas ku geeriyootay waa kuwo laga hor-dhacay, mana noqon doonaan kuwo caawiya qoyskeenna. Wararkaa waxaa ka mid noqon kara in laysla dhex meero suuraggalnimada in ay Almaas dishay xabbad wiifto ah” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay qoyska.

Qoraalka oo dheeraa ayaa sidoo kale lagu yiri, “Waxaannu jeclaan lahayn in dilkii Almaas si buuxda loo baaro, waxaannuna codsanaynaa in ay dawladaha Soomaaliya iyo Canada si wadajir ah oo qoto dheer arrintan u baaraan, maadaama ay laheyd labada dhalasho ee labada dal.

Waxaannu ka war haynaa in la faafiyey muuqaallo iyo mu’aamarado aan sal lahayn. Muuqaalladaa iyo mu’aamaradahaasi waa kuwo qoyskeenna sii xanuunjinaya waqtigan adag. Sidaa darteed in la joojiyo iyo dib loo saxo ayaannu codsanaynaa”.