Hayeey, Hayeey Xaqiiqda ha iska indha tirin !!!.

Cadawgaaga Cududiisa iyo Saaxiibkaa Sadka aad Ka sugee in aad ogaato waa muhim.

Bishan November 2019 Ethiopia waxa ey Dowladda Faransiiska Ka codsatay in Amaah ahaan Looga iibiyo Hub qiimihiisu Ka badan yahay 4 Billion euro. Sida Ku cad qoraalka qarsoodiga ah ee RW. Ethiopia Abey Axmed uu u diray Madaxweynaha Faransiiska Mr. Emmanual Macron.( F.S: 1-6)

Hubka uu dalbaday waa:

1- Helicopter-ka Dagaalka ee Tiger HAD- H125m & H145m.

2- Helicopter- Ka weyn ee Ciidamada lagu qaado ee H 225.

3- Gantaalo leh Madaxyada Nuclear- khafiifka ah , waa nooc Ka mid ah hubka halista ah, inkasta oo beryahaan la isticmaalo Kan Madaxda Ku leh Sunta khafiifka ah.

4-Fighter Jets,12 Dayaaradood oo ah 18H, Mirage 2000, 2000n iyo 2000d.

5- Air Bus. 2 Dayaaradood oo ah kuwa Ciidanka lagu daabulo nuuca C295.

6- Dayaaradaha aan Duuliyaha leheeyn ee Drone, 10 Xabo , nuuca nEkOn-UCA.

7- Electronic Jamming System, Qalabka Tashwiishka galiyo isgaarsiinta cadawga Nuuca ECM.

8- Gantaalada Ridada dheer, 30 Xabbo Nuuca M51, SLBM, MS 1.1, MS 1.2, iyo MS 1.3. kuwaa oo Ridadoodu gaareeyso 6000km.

Haddaba Akhristoow, Hadeey 6000km gaarayaan Adis iyo Mogadishgu waxa ey isku jiraan 1.060km Dhinaca hawada, Dhinaca Dhulkana 1.414km. Adis iyo Qaahirana waxa ey isku jiraan 2.480km.

Adis iyo Mogadishgu Bushkaleetigu ( bicycle) waxa uu u socon karaa 3-4 Cisho. Moto dhugdhuleyna ( Motorcycle) 1-2 Cisho. Baabuurkuna 1-2 cisho. Dayaaraduna 1-2 Saacadood.

Akhristoow hore ayaa Faransiisku Bishii March ee Sannadkaan 2019, uu Ethiopia ula galay Heshiis uu uga caawinayo dhismaha Ciidanka Badda.

Masar ayaa Sannadkii 2014 hubkii ugu badnaa Ka gadatay Faransiiska. Masar ayaa walwal Ka muujisay Hubkaan, in Lagu weerari Karo toos Dalka Masar ama uu abuurto dagaal Labada dhinac ey iska Soo weeraraan dhaca Saldhiga Jaziiradda Suqadara ee Yaman iyo Punt land Somalia .

Prof. Towfiq Aclim oo wax Ka dhiga Jaamacadda Qaahira ayaa leh arrintaa waa in looga hor tagaa Dhinaca Dibloomaasiyadda .

Akhristoow, Waxa kale oo aad ogtahay in Usbuucii hore Masar ey tiri: Hub ayaan Ka Soo gadanayaa Ruushka ,Mareeykankuna uu yiri: hadeey Ka Soo gadato Cuna qabateeyn ayaan saarayaa. Arrintaa ayaa laga yaaba in Masar ey Ka dhigato gorgorootan lid Ku ah Ethiopia.

Dhinaca kale Sabrine Planel oo Ka tirsan Research Institute for development ( IRD) ayaa tiri: Ethiopia waa awooda Gobalka,waxa eyna u isticmaalee Hubkaa in ey Gobalka uga difaacdo Argagixisada Geeska Africa.!!!!

Hadaba Akhristoow Ethiopia Hubakaa Culus ayaa laga Soo iibiyay. Annagana Cunaqabteeyntii Hubka ayaa Golaha Amaanku Bishaan Nov.2019, Nagu sii Kordhiyay.

Akhristoow, Ethiopia waxa ey Dalkeeda Ku Soo Saartaa Taangiyo, Beebee, Rasaasta Culus iyo tan fudud (F.S: 7-12. Annaguna Hubka aan Gudaha Dalka Ku Soo saarno waxaa ugu weyn, Dhagxaha Jidadaka lagu Xiro ( F.S: 13aad) Horena Ethiopia waxaa loo siiyay Hub culus (F.S: 14-16).

Xal siyaasadeed:

Hore Ethiopia & Kenya markii ey Ka baqayeen Cududeena Ciidan waxa ey Ingriiska la galeen Heshiis ah in uu Ka difaaco haddii Somaliya Soo weererto. Annagu waqtigaa waxaan isku haleeyneeynay Ruushka, laakin siyaasadda oo Naga khaldantay ayaa keentay in ey nagu Goobtaan Ruushkii, Cuba,Yeman, Libiya iyo Jarmalkii Barri.

Hadda soow ma haboono in aan Raadsano Saaxiib aan la galano Heshiis difaac haddii Nalagu Soo duulo, inta aan Ka dhisaneyno Ciidan xoog badan.

Libaaxyadii Afrika waa Ruqdeen, ee ALLA ha Soo celiyo.

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii Ka dhiman Ku dar, wixii Ka khaldanna Ka sax.

Qore: Yahya Amir.