Baarlamaanka Maamulka Puntland oo maanta ka shiray xaalada Gobolka Sanaag.

Garoowe:-Gudoomiyaha Gobalaha Baatlamaanka Puntalnd Abwaan Abdirishiid ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga Golaha Wakiillada Puntland fadhigii 14 aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha.

Fadhiga maanta ee Golaha Wakiillada ayaa ajandihiisu ahaa Xaalada Wadada Ceel-Daahir ilaa Ceeri-Gaabo.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 38 ayaa goluhu waxuu isla qaatay in loo yeero Guddiaga dhismaha Wadada Ceeldaahir Ilaa Ceerigaabo, Hay’adda dhismaha Wadooyinka Puntland ee PHA iyo Wasaarada Hoolaha Guud

Dhanka kale Geba-Gebadii, Golaha Wakiillada ayaa maalinta Arbacda ah ee 27/11/2019- dib isugu soo laabandoonaan, iyada oo loo balan sanyahay in ay hor yimaadaan Golaha guddiaga dhismaha Wadada Ceeldaahir Ceerigaabo, Hay’adda dhismaha Wadooyinka Puntland ee PHA iyo Wasaarada Hoolaha Guud si wax looga waydiiyo xaalada wadada Ceel-Daahir Ilaa Ceerigaabo iyo guud ahaanba xaalada wadooyinka Puntland.