Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir oo shuruud ku xiray ka qeyb galka kulanka Farmaajo iyo xisbiyada

Muqdisho:-Xisbiga mucaaradka ee Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qaadacay ka qeyb galka shir maanta lagu wado inuu Madaxtooyada ku dhex maro Madaxweyne Farmaajo iyo inta badan xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka diiwaan gashan.

Xisbiga Wadajir ayaa qoraalka ka soo baxay ku cadeeyay inuu diyaar u yahay ka qeyb galka kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020-ka, hadii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka la doonayo inay dalka ka dhacaan.

“Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xisbiga Wadajir

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Waa in cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dowladdu dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geystay haddii uu Madaxweynuhu cadeeyo mowqifkaas ayuu Xisbigu diyaar u yahay in la xaajoodo dowladda”.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku qaabilay madasha xisbiyada oo ay matalayeen madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.