Xildhibaannada Baarlamaanka oo akhrinta koowaad marsiiyay xisaab xirka miisaaniyadda 2018

Muqdisho:-Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan uga socda xaruntooda ayaa akhrinta koowaad marsiiyay xisaab xirka miisaaniyadda 2018-ka.

Kulanka oo uu shir Guddoominayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayna soo xaadireen 143 Xildhibaan ayaa looga hadlayay ajendayaasha kala ah

1.Akhrinta 1-aad Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018

2.Dhamaystirka Axdiga Midowga Afrika ee dhowrista iyo u gargaarka Barakacayaasha ee Africa iyo

3.Warbixinta safarkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Ethiopia.

Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo weli ah mid socda ayaa waxa ay akhrinta koowaad marsiiyeen mudaneyaasha Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2018.