QM oo war ka soo saartay khilaafka Dowladda kala dhaxeeya maamulada qaar iyo mucaaradka

Ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan xaalada Soomaaliya, ayaa waxaa uu soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka.

James Swan ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hadda sanad jirsatay ay caqabad xooggan ku noqotay in lagu guuleysto hadafyada qarameed ee Soomaaliya.

“Waxaan dib u cusbooneysiinayaa baaqayga ku wajahan hogaamiyaasha dalka, si ay u soo nooleeyaan wadahadalkooda una fuliyaan ballanqaadyadoodii ku aadanaa xallinta khilaafka siyaasadeed, iyadoo loo marayo hab tanaasul ah iyo danaha dadka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yidhi warbixinta

Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay muhiim tahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro hanaanka doorashada 2020.