Maxaa Baajiyay Muxaadaradii uu Sheekh Umal ka jeedin lahaa Magaalada Muqdisho?

Waxaaa maanta dib u dhac uu ku yimid muxaadaro uu kuqaban rabay garoonka kubada cagta ee Eng.Yariisow Sheekh Maxamed Cabdi Umal taas oo qorshuhu ahaa uu galinka danbe ee maanta in ay dhacdo.

Wasiirka wasaaradda dhalin yarada iyo ciyaaraha ee xukumada Soomaaliya oo ah gudoomiyaha gudiga qaban qaabada ee muxaadarida Sheekh Umal ayaa oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay sababta ay maanta dib ugu dhacday muxaadaradii u qorshaheeda ahaa in Sheekh in maaanta uu kuqabto garoonka Eng. Yariisow.

Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay in muxaadarada maanta loobaajiyey aaska loosameenayo Almaas Elman Axmed taas oo maalin kahor lagu dilay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxeyna sheegtay in maalinta Axada ah ay muxaadaradaas uu qaban doono.

Muxaadarada Sheekh Umul qorshaheeda ahaa in maanta uu kuqabto magaalada Muqdisho ayaa dood adag ka dhalatay .

Waxaaana xusid mudan in Sheekh Cabduqaadir Soomow uu bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqay in aysan ka qeyb galin maxaadaradaas.

Dhanka kale halka qaar kale oo culumada ka mid ah ay sheegeen in go’aankii Sheekh Soomow uu soo saaray aysan waxba ka ogeyn, oo ay tahay mid isaga u gaar ah .